Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray warabiyood laga hirgaliyay deegaan hoosta Balanbal

0
73

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray warabiyoodka Deegaanka Barwaaqo ee hoos taga degmada Balanbal ee waqooyinka Gabolka Galgaduud.

Munaasabaadda Xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada Galmudug, Maamulka Degmada balanbal iyo bulshada deeganka barwaaqo.

Bulshada Deegaanka Barwaaqo ayaa Dowlada Galmudug uga mahadceliyay in laga soo jawaabo Codsigoodii ku aadanaa baahida
warbiyoodkaan ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya-Abdullahi Abdulkadir Nur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here