Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dhismaha xaruntaan oo ah xafiiska wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug ayaa waxaa xarig jaray Madaxweynaha Galmudug waxaana goob joog ahay Wasiirka qorsheynta XFS iyo madax ka socotay labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug.Garaad Yuusuf Maxamuud wasiirka Kalluumeysiga Galmudug ayaa ugu horeyn ka hadlay cida ka gacan siiday dhismaha xarunta wasaaradda.
Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Abdirihman Beene beene ayaa dhankiisa sheegay in hirgalinta mashariicda ay sabab u tahay amaanka ka jira degaanada Galmudug.
Ugu danbeyn Ahmed Abdi Kaariye ayaa bogaadiyey hugaanka wasaaradda iyo beesha caalamka oo gacan ka siiday dhismaha xaruntaan.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor