Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Dowladda Hoose ee Degmada Baxdo, taasoo loo dhisay si casri ah oo waafaqsan baahiyaha maamulka degmada iyo adeegyada bulshada.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Galmudug, maamulka degmada, saraakiil ciidan, iyo qeybaha bulshada rayidka ah.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed