Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Horumarinta shanta sano ee soo socota ee maamulka Hirshabeelle.
Qorshahaan ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle.
waxaana uu saldhig u yahay horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah ee maamulka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor


