Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddi heer Wasiiro ah u saaray xal u helida colaadaha ka jira deegaanada Hirshabeelle gaarahan degaano hoos yimaada degmooyinka Cadale iyo Aadan yabaal.
Gudigaan heerka wasiirada ah oo gaaray degmada Cadale waxana halkaas kasoo saareen baaq nabadeed waxana beelaha ugu baaqeen iney xabada joojiyaan sharuud la’aan.
Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) iyo Wasiirka dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Cabdullaahi Cumar Maxamed (Cabdullaahi Cade) oo gudiga kamida ayaa warbaahinta lahadlay.
Warkan waxaa soo jeedinaya:-Abdulahi Abdulkadir Nor