Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay’adaha Caalamiga ee World Vision, DRC ICF iyo SOMREP oo soo gaaray Jowhar.
Kulankaan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta oo Hay’adahaan ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa u qorsheysan gaar ahaan ka hortaga fatahaadaha wabiga shabeelle, Beeraha Cunnada iyo sare qaadista dalagyada abuurka, caawinta barakacayaasha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:- Hamdi Dirie Ali