Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa laga furay laanta cusub ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed (NIRA).
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno sare oo ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde), Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabeelle, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor