Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee ciidul Adxa isaga oo Alle uga baryay in uu ciidda ciidda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo, midnimo iyo horumar waara. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ciidda si loo xoojiyo wadajirka, is cafinta, iyo isu naxariista.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan dadka danyarta ah, agoonta, dadka naafada ah iyo dhammaan kuwa u baahan gargaar iyo daryeel gaar ah, si ay iyaguna ugu ciidaan farxad iyo raynrayn.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf