Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Shirka ayaa diiradda saaraya arrimo muhiim ah sida xasilloonida gobolka, iskaashiga horumarineed, iyo adkaynta nabadda.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ku saleysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada.
Warkan waxaa faah faahinaya: Ahmed Mohamed Jama