Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in Sara loo qaado tayadda waxbarada dalka

0
25

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa hay’adaha dowladda, bulshada iyo daneeyayaasha waxbarada si wadajir ah ugu baaqay sare u qaadista tayadda waxbarashada dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in waxbarashadu ay tahay laf-dhabarta hormarka bulshada iyo dalka, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo manhajka, tababarka macallimiinta iyo helitaanka adeeg waxbarasho oo tayo leh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in muhiimad gaar ah la siiyo carruurta aan weli helin fursad waxbarasho, isagoo ka codsaday waalidiinta iyo bulshada Soomaaliyeed in ay carruurtooda ku dhiirrigeliyaan waxbarashada si loo helo jiil mustaqbal wanaagsan u horseeda dalka.

Warkan waxaa jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here