Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay colaadaha qabaa’ilka ee ka taagan gobolada dalka qaar waxaana uu madaxweyne Xasan sheegay in hurinta colaadaha ka tagaan degaanada miiga ah inta badan laga huriyo magaalooyinka sida u sheegay madaxweyne Xasan waxaana uu ugu baaqay bulshada soomaaliyeed iney u istagaan joojinta coladaha taagan.
hadalka madaxweynaha dalka ayaa ku soo aadaya xili gobolo badan oo dalka ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya dad walaala oo degaanadaa wada dagan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor