Madaxweynaha Soomaaliya oo loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee dalka liibiya.

0
6

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here