Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed cafis u fidiyey 114 maxbuus oo ku jiray xabsiyada dalka. Cafiskaan ayaa qayb ka ah dhaqanka iyo naxariista ay dowladdu u muujiso maxaabiista xilliyada munaasabadaha diiniiga ah, iyadoo la eegayo xaaladda maxaabiista iyo dambiyada ay galeen.
Go’aankan cafiska ah ayaa la filayaa inuu fursad u siiyo maxaabiista la sii daayay inay dib ula midoobaan qoysaskooda, una bilaabaan nolol cusub.
Warkan waxaa faah faahineysa:Abdifitah Mohamed Ahmed