Madaxweynaha soomaliya oo Tanzania uga qaybgalaya shirk weynaha Tamarta Africa.

0
35
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray Daarusalaam, Tanzania, si uu uga qaybgalo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”.

Shirka ayaa diiradda saaraya dardargelinta helitaanka tamarta waarta, waxaana ka qeybgalaya madaxda Afrika, hay’ado caalami ah, shirkado iyo khubaro.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeedin doona aragtida iyo qorsheyaasha Soomaaliya ee horumarinta tamarta iyo xoojinta iskaashiga heer gobol iyo caalami.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifitaha Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here