Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safar maalintii shalay ku tagey dalka Uganda, waxaana la filayaa in uu booqasho ku tago dalka Jabbuuti.