Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Cali Daahir ciid, ayaa kormeeray halka uu ka socdo dhismaha laami 5KM ah kaas oo ay iskaa wax uqabso ku hirgaliyeen bulshada reer Cadaado.Booqashada goobtan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayey Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Galmudug, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn ayaa waxaa masuuliyiinta warbixin la xariirta sida howshu usocoto la wadaagay xubnaha gudiga isxilqaan ee gacanta ku haya shaqadan oo laga bilaabay bartamaha magaalada.
Guddoomiye ku xigeenka degmada ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin) ayaa madaxweyne ku xigeenka la wadaagay qorshaha dayactirka wadada oo in muddo ah soo socday, laguna bilaabay si isku tashi ah
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maanta kormeeray dhismaha wadada laamiga ah ee dhex marta magaalada Cadaado ayaa maanulka degmada ku bogaadiyey dadaalada horumarinta ah ee uu wado.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liibaan Mohamed Abdi