Madaxweyne ku xigeenka galmudug oo kormeeray dhismaha xarunta baarlamaanka Galmudug.

0
36

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali daahir ciid oo uu wehlinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta booqday dhismaha xarunta Baarlamaanka Galmudug oo maraysa heer gabagabo ah .

Madaxwayne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ku wehlinayay kormeerka Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyagoona warbxin ka dhegeestay injineerada gacanta ku haaya Dhismaha xarunta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegey in xarunta tahay mid qaab casri ah loo dhisay uuna ku shaqey doono Baarlamaanka dowlad goboleedka galmudug.

Warkan Sacdio Abdulkadir Yusuf ayaa soo jeedinaysa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here