Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa daahfuray ololaha Tallaalka caruurta ka yar shanta sano ee aan helin dhamaystirka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay.
Daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug daahir faarax fiidow , Duqa Caasimadda Galmudug Abdirahman Geedaqorow, Xildhibaano katirsan Galmudug Qaar kamid ah Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug heerarkeda kala duwan, Dhaqaatiir, Ururada Bulshada sida Haweenka iyo Dhalinyarada.
Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi