Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Xafiiskiisa Madaxtoyada Galmudug ku qaabilay wafdi ka socday Hay,adda Save the Children .
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay kuxigeenka Hay,add save the children ee Somalia iyo Madaxa Hay,adda ee Konfurta iyo Bartamaha Somalia.
Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qaybgalay Wasiirka Gargaarka Galmudug ,Wasiir kuxigenka Beeraha, Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud iyo Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka.
Madaxweynaha ayaa hay,adda Save the children uga mahadceliyay Mashaaricda Balaaran ee ay ka wado Galmudug waxaana uu kula dardaarmay in la sii kordhiyo Mashaariicda gaar ahaan la gaarsiiyo Deeganada ka fog fog laamiga iyo kuwii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.
