Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in horumarka dalka uusan ku xirnayn hal shaqsi, balse uu yahay waajibaad ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay in qof walba uu leeyahay door muhiim ah oo uu kaga qayb qaato horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan midnimo, nabad iyo horumar waara. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan horay u socon doonin haddii lagu tiirsanaado shaqsi keliya, balse loo baahan yahay iskaashi iyo dadaal wadajir ah.
Warkan waxaa soo jeedunaya: Abdifatah Mohamed Ahmed