Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa si kulul uga hadlay dagaallada sokeeye ee ka socda deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa waxgaradka beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka beeleeyda ee ka socda galbeedka gobolka Mudug, isaga oo ku boorriyay inay qaataan wadahadal iyo nabadgelyo.
waxaana inoo soo jeedineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf