Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Wadadaan maanta dhismaheedu uu kabilowday magaalada Dhuusamareebee caasimada dowlad goboleedka Galmudug gaar ahaan xaafada Dayax ayaa ah wadada aada deegaanka Bohol oo waqooyi Galbeed kaga began
magaalada Dhuusamareeb.
waxaana dhismaha wadani oo ah mid jaay ah iska kaashanaya maamulka degmada Dhuusamareeb iyo qaybaha bulshada kudhaqan xaafada Dayax gudoomiyha xaafada Dayax axmedsiciid Maxamed Suudi iyo qaar kamida dadka kudhaqan xaafada Dayax ayaa kahadlay dhismaha wadadani.
Cabdisamad Salaad Aadan gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada
magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhismaha wadadaan uu yahay guul lagaaray oo mudo laga soo shaqeeynayay.
Sheikh Cabdullahi Cabdinuur Barre oo kamida culumada xaafada Dayax
ayaa dhankiisa soodhaweeyay dhismaha wadadani waxaana uu ugu
baaqay dadka waxhaysta inay kaqayb qaataan.
Waxaa warcintaan inoo soo jeedinaya Bashiir Mohamed Salaad.