Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah maanta magaalada Dhuusamareeb looga soo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ee dugsiga sare, kaasoo muddo toddobaadyo ah si habsami leh uga socday xarumaha waxbarasho ee gobolka Galguduud.
Imtixaankan oo ay si wadajir ah u qaabeeyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug ayaa waxaa u fariistay arday tiro badan oo ka kala yimid degmooyinka hoos yimaada Dhuusamareeb.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor