Magaalada Gaalkacyo oo laga bilaabay Ololaha Buufinta Kaneecada iyo Cayayaanka

0
39

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa laga bilaabay olole ballaaran oo lagu buufinayo kaneecada iyo cayayaanka, kaddib markii ay roobab xooggan ka da’een magaaladaas, taasoo keentay in deegaanada qaarkood ay ku bateen cayayaanka.

Ololahaan oo si wadajir ah u qabteen Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland iyo maamulka degmada Gaalkacyo ayaa ujeedkiisu ahaa in la yareeyo halista cudurrada sida duumada (malaria), shubanada iyo infekshannada kale ee ka dhasha cayayaanka, gaar ahaan xilliyada roobabka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here