Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay mashruuc ganacsi oo casri ah, kaasi oo ka kooban hoteello heer sare ah (5-star) iyo suuq weyn.
Munaasabadda dhagax dhiga mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaanno, xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, iyo ganacsato.
Warkan waxaa faah faahinayasa: Hamdi Diriye Ali