Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maanta oo ay tahay 3-da May, waxaa caalamka laga xusayaa Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo ay Qaramada Midoobay u asteeysay sanadkii 1993. Ujeeddada maalintan ayaa ah in la xuso muhiimadda ay leedahay saxaafad madax-bannaan, lana xasuusto weriyeyaasha halista u maro gudashada waajibaadkooda.
Maalintani waxay fursad u tahay in la xasuusto suxufiyiinta la dhibaateeyay ama naftooda ku waayay shaqadooda, isla markaana bulshada iyo dowladuhuba ay ka shaqeeyaan ilaalinta xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed