Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxa dib u bilaabanaya kulamada horyaalada kala duwan kadib markii la soo afjaray fasaxii xulalka oo laba todobaad socday.
Horyaalka premier League oo meel xiiso leh maraya ayaa la filayaa in uu sii wado soo jiidashada taageerayaasha.
Ka hor bilaabashada kulamada shabakada Opta ayaa saadaalisay ama soo saartay fursadaha kooxaha premier League ee ku guulaysiga premier League.
Opta ayaa sheegtay in ay Man City 87.1% fursad ugu haysato in ay ku guulaysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Waxa ku xigta kooxda Liverpool oo 7.2% haysto fursad ay ugu guulaysan karto horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan.
Kooxda Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore man City kula tartantay horyaalka ayaa 5.3% fursad u haysata ku guulaysiga horyaalka premier League halka ay Tottenham fursad u haysato 0.2% ku guulaysiga horyaalka Premier League.