Manchester City ayaa guul ka gaartay Newcastle united oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.
Daqiiqadii 19-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis João Cancelo.
38 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay gool labaad kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Aymeric Laporte.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 60-aad Rodri oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis K. D. Bruyne ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.
90 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Phil Foden oo caawin ka helay Zinchenko ayaa hoggaanka u dheereeyay Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-0.
Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 90 + 3-aad wuxuu soo xiray bandhiga goolasha kooxda Manchester City wuxuu dheesha ka dhigay 5-0, waxaana goolkan ka caawiyay J. Grealish.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Newcastle united oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay waxay dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Premier League, iyada oo leh 86 dhibcood, saddex dhibcood nadiif ah ay ka sareysaa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Liverpool