Man City Oo Guul Ku Bilaabatay Difaacashada Premier League & Haaland Oo Sii Wada Wacdarihii Uu Dhigayay.

0
45

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Man City ayaa guul weyn ku bilaabatay difaacashada horyaalka premier League iyaga oo garaacay kooxda Burnley.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City maamulaysay sidii caadada ahayd kooxda fiican kana awood badna kooxda ku soo laabatay premier League.

Haaland ayayna ku qaadan wax ka badan 4 daqiiqo in uu furo goolashiisa xilli ciyareedka cusub ee horyaalka premeir League kadib markii uu dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa.

City ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal kale kuna disho ciyaarta si ay isaga ilaaliso lama filaano dhaca.

Daqiiqadii 36-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo sii dheeraystay goolasha uu dhalinayo kana dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican siina waday dadaalada ay ku doonayso goolal xilli ay ka awood badna yihiin Burnley.

Qaybta dambe ayay Man City sii waday in ay maamusho ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Burnley kuwaas oo ku dhibaatoonayay in ay wax weerar ah qaadaan.

Man City ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay City ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Man City ayaa sii waday samaynta fursadaha iyaga oo ku dhawaaday in ay ka dhaliyaan Burnley goolal kale.

Burnley ayaa dhinaceeda samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karaan xilli ay ka maqnayd dhamaystirka fursadaha.

Kooxda Burnley ayaa daqiiqadii 90+4-aad kaadhka cas looga taagay xiddig kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Kyle Walker.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul ay u qalantay ku bilaabatay Difaacashada horyaalka premier League fariina u dirtay kooxaha kula tartamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here