Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Man City ayaa beenisay wararka sheegaya inay aqbaleen dalab kaga yimid Barcelona oo ku aadanaa xiddiga Bernardo Silva xilli ay u dagaalamayaan sidii ay u sii haysan lahaayeen xiddiga khadka dhexe.Kooxda La Liga ka ciyaarta ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga 28 jirka ah xagaagii 2-aad oo xidhiidh ah laakiin baacsigooda waxa hor taagan xaalad dhaqaale xumo.
Silva ayaa City sanadkii hore u sheegay in uu jecelyahay in uu ku biiro kooxda Man City si uu ugu dhawaado qoyskiisa ku nool dalkiisa Portugal.
Xilli uu Pep Guardiola si cad u sheegay in uuna jeclayn in uu sii haysto xiddigaha aan ku faraxsanayn kooxdiisa hadana waxa uu 3 todobaad ka dhimantahay suuqa xagaaga waxana City ku adkaan doonta in ay hesho badalkiisa.
Waxa shalay soo baxay warar sheegaya in ay Barcelona iyo Man City ka heshiiyeen qiimaha xiddiga oo ku dhacaya 50 ilaa 55 milyan oo euro.
Laakiin Man City ayaa gabi ahaan beenisay wararkaas waxana ay diiday in uuna xiddigu iib ahayn ama uuna ku bixi doonin wax ka yar 100 milyan oo euro.