Man City oo laguddoonsiiyey Koobka Horyaalka Premier League kadib guul ay ka gareen Chelsea

0
89

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa markii afraad xilli-ciyaareedkan garaacday Chelsea, waxaana markan ku filnaaday carruur yaryar oo laga soo ururiyey heerka labaad iyo kaydka oo qaybtii horeba ka takhalusay kooxda lacagta ugu badan ku kharash-garaysay suuqyadii ugu dambeeyey.

Manchester City ayaa la guddoonsiiyey koobka horyaalka Premier League ee ay xalay kusii guuleysatay markii ay guul-darraysatay Arsenal, waxaana saf-sharafeed u samaysay Chelsea oo ogolaatay in laba jeer oo horyaalka Premier League ah iyo laba jeer oo tartamada kale ah ay Man City guul-darrooyin u xambaariso.

Gool madi ahaa oo uu u dhaliyey Julian Alvarez ayaa Manchester City siiyey guusha ay ka gaadhay Chelsea oo ay kusii socoto ceebta iyo rikoodhada guul-darrooyinka ee aan hore usoo marin, iyadoo uu tababare Frank Lampard ka qaday ceeb ah inuu noqday macallinkii guul-darrooyinka ugu badan usoo hooya Blues muddadii ugu yarayd.

Man City oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayay 12 daqiiqadood oo kaliya ku qaadatay inay hoggaanka ciyaarta qabtan, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Alvarez oo dhamaystiray baas uu ka helay laacibka da’da yar ee Plmer oo isagana uu kubbadda usoo dhiibay Phil Foden.

Chelsea ayaa qaybtii hore heshay laba fursadood oo fiican oo ay ka lumiyeen Raheem Sterling iyo Conor Gallagher oo awoodi waayey inay kubadda dhafiyaan goolhayaha labaad ee City ee Ortega.

Qaybta labaad ayay Chelsea sare usoo kacday, waxaanay sameeyeen cidhiidhi iyo kubadda oo ay la qaybsadeen Man CIty, hase yeeshee taasi kama joojinin in weerarku uu kusii socdo.

Riyad Mahrez ayaa uu nasiibku diiday markii laad xor ah oo uu soo tuuray uu meel lix tallaabo u jirta goolka uu ka helay Phillips  oo madax hoose ku qabtay, isaga oo dhaafiyey goolhaye Kepa balse nasiib-darro birta ayy kaga dhacday.

Julian Alvarez ayaa gool labaad u dhaliyey Manchester City daqiiqaddii 71aad, balse kubadda oo uu goolhaye Ortega soo tuuray oo uu u dhiibay Mahrez ayaa waxay VAR soo heshay in uu laacibka reer Algeria kusii jiray Offside, sidaas ayaana meesha lagaga saaray.

Manchester City ayay taageereyaasheedu iska soo buuxiyeen garoonka isla markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, taas oo keentay in ciyaartoyda labada kooxood ay degdeg u galaan qolka labbiska iyadoo garoonku uu noqday madal-dabbal-deg.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here