Man City oo Rekoodhka Suuqa Jabinaysa.

0
242

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Manchester City ayaa u muuqata mid maalmaha soo socda jabin doonta rekoodhka daafaca ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta xilli ay isha ku hayso xiddiga RB Leipzig ee Josko Gvardiol.

Sida uu sheegayo wargeyska The Times, Man City ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jirta RB Leipzig xilli ay hore arrimaha heshiiska shaqsiga ah ugala hadashay ciyaaryahanka

Agaasimaha RB Leipzig ee Max Eberl ayaa si rasmi ah dhawaan u xaqiijiyay in labada kooxood wadahadal ku jiraan iyagoo ka hadlaya xaalada Josko.

“Josko iyo wakiiladiisu waxay noo sheegeen rabitaankooda ah inay Manchester City u wareegaan” ayuu yidhi Max Eberl.

Gvardiol ayaa ah daafac dhexe oo lugta bidix ku ciyaara waxaana isha ku hayay saxeexiisa mudo badi kooxaha Yurub, Chelsea iyo Tottenham ayaa la xasuustaa inay sanad kahor si weyn u doonayeen.

Gvardiol ayaa ka ciyaara boos lamid ah midka Aymeric Laporte oo la filayo inuu iskaga tago Man City gudaha suuqan gaar ahaan haddii heshiiskani qabsoomo.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in Manchester City 86 Milyan oo pound ka bixinayso saxeexa Gvardiol isagoo rekoodhka daafaca ugu qaalisan abid kala wareegaya Harry Maguire oo 80 Milyan oo pound ugu wareegay Man United sanadkii 2019.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here