Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal.
Manchester United ayaa Old Trafford ku marti galin doonta kooxda Arsenal, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa doonaysa inay sii wado cadaadiska ay ku hayso Liverpool, halka Manchester United ay doonayso inay ka baxdo natiijooyinka xun.
Shearer oo ka hadlaya kulanka ayaa yiri: “Arsenal si fiican ayay u ciyaartay kulankii ugu dambeeyay.”
“Waxaan saadaalinayaa in Arsenal ay badin doonto maadama Manchester United ay dhibaatoonayso,” ayuu sii raaciyay.