Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ayaa bilawday inay ka shaqeyso sidii ay Harry Kane ugala soo wareegi lahayd Kooxda Tottenham.
Kabtanka England ayuu heshiiskiisa Tottenham dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe Tottenham ayaana rajo ka qabta inay sii heystaan weeraryahanka wax ka badan 2024.
Hadii Kane uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda, Daniel Levy ayaa diyaar u ah in uu iska iibiyo weeraryahanka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, Kane ayaa doonaya inuu sii joogo England maadaama uu indhaha ku hayo inuu jabiyo rikoorka Alan Shearer ee Premier League.
Kooxda Kaliya ee uu Kane ku biiri karo ayaa ah Man United maadama ay Red Devils suuqa kala iibsiga xagaaga weeraryahan cusub.
Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Man United bilowday wadahadalada ay ku doonayso xiddiga reer Kane si ay ugu xoojiso weerarka.