Man United oo doonaysa Saxiixa Xiddiga Nicolas Jackson.

0
78

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si weyn loo hadal hayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan kadib markii kooxda Chelsea ay qaaday tallaabooyin degdeg ah oo ay ku dooneyso inay ku keento weeraryahanka Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike.

Sida ay baahisay warbaahinta Faransiiska ee L’Équipe, kooxda reer London ayaa haatan si buuxda diiradda u saartay dhamaystirka heshiiska ciyaaryahankaasi 22-jirka ah.

Chelsea ayaa la fahamsan yahay in ay horey ula gaartay heshiis shaqsi ah Ekitike, waxaana hadda socdo dadaallo xooggan oo lagu doonayo in Eintracht Frankfurt lagu qanciyo inay ogolaato iibka weeraryahanka. Kooxda Bundesliga-da ka dhisan ayaa dalbanaysa 100 milyan oo euro si ay u fasaxdo ciyaaryahankeeda, taasoo Chelsea hadda isku dayayso in ay ka gudubto.

Ekitike ayaa xilli ciyaareedkii hore ee 2024–25 ahaa mid qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray, isagoo dhaliyay 22 gool 48 kulan oo uu u saftay Frankfurt. Waa xiddig si weyn loo qiimeeyo oo leh mustaqbal weyn, taasina waa sababta Chelsea ay u aragto mid ka mid ah weeraryahanada muhiimka ah ee ay dhisi doonto weerarkeeda cusub.

Dhanka kale, kooxda Blues ayaa haatan qarka u saaran inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa Liam Delap oo ka yimid Ipswich Town, iyadoo la sheegay in heshiiskiisa uu gaarayo ilaa 35 milyan oo euro.

Iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyadan, waxaa shaki laga muujinayaa mustaqbalka weeraryahanka reer Senegal ee Nicolas Jackson. Warbixin ay daabacday The Guardian ayaa sheegaysa in kooxda Manchester United ay si dhow ula socoto xaaladda Jackson, iyadoo aaminsan in imaatinka Ekitike uu albaab u furi karo heshiis ay iyagu kula saxiixdaan xiddigaasi.

United ayaa raadinaysa weeraryahan cusub si ay u xoojiso safkeeda weerarka ee xilli ciyaareedka cusub, waxaana Jackson uu noqon karaa dookh muhiim ah haddii Chelsea ay u fasaxdo inuu ka tago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here