Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Man United ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford.
Man United ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Scot McTominay kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Liverpool ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay samaynaysay fursado aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 44-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexis McAllister kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 45+3-aad dhalisay goolka 2-aad ciyaarta Man United waxana u dhaliyay Mohamed Salah.
Daqiiqadii 87-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa la isla aaday wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta si ay labada kooxood u kala baxaan.
Harvey Elliott ayaa daqiiqadii 105-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Laakiin United ayaa soo laabatay daqiiqadii 112-aad waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.
Man United ayaa daqiiqadii 120+1-aad dhalisay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Amad Diallo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/4.