Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Man United ayaa garaacday kooxda Tottenham kulankii ugu xiisaha badnaa todobaadkan premier League iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha kadib bar-barihii kulankii ugu dambeeyay.Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay man United samaysay fursado waali ah isla markaas Goolhaye Lloris ku qasbeen in uu sameeyo badbaadino badan.Qaybta dambe ayay Man United sii waday dadaalada iyaga oo aan kala joojin dadaalda ay ku doonayaan in ay goolal ku dhaliyaan.Daqiiqadii 47-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Fred kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.Tottenham ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin De Gea iyo difaaca Man United ayaa si fiican u ilaashaday goolkiida.Xilli ay Tottenham raadinayso goolka bar-baraha ayay Man United ciyaarta dhalisay goolka 2-aad ee ay gabi ahaan ku dishay ciyaarta.Daqiiqadii 69-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.Waxa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta la arkay Cristiano Ronaldo oo gabi ahaan isaga baxay ciyaarta kadib markii uu kaydka ku dhamaystay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul muhiim ah xilli ay Tottenham joojisay in ay ku sii dhawaato hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.