Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Laad xor ah oo ay dhalisay Crystal Palace waqtigii dhimashada ciyaarta ayaa guul muhiim ah uga horjoogsadeen Manchester United iyagoo ku qabqabtay barbaro 1-1 ah ciyaar xiiso badaneyd oo ak dhacday garoonka Selhurst Park.
Gool uu qeybtii hore dhaliyay Bruno Fernandes ayay Manchester United hogaanka ku qabatay laakiin laado xor ah uu saxiixay waqtigii dhimashada ciyaarta Olise ayay ku barbareysay Crystal Palace taasoo Man United u diday inay kaalinta labaad soo gasho iyagoo haatan ku jira kaalinta 3aad islamarkaana 39 dhibcood la wadaaga Man City iyagoo kulan sii hor ciyaaray
Guusha Man United loo diiday waxaa u sii dheer inay ka murugeysan yihiin in mashiinkooda khadka dhexe Casemiro inuu ka maqnaanayo kulanka Axada ee Arsenal ka dib markii uu caawa qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedka.
Goolhaye David de Gea ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah markii uu kubad gool loo fishay faraha foodooda uga bixiyay Edouard taasoo ku sii dhacday birta.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1 oo ay Manchester United taako loogu dhigay.