Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Man United ayaa ku guulaystay Koobka Carabao cup-ka markii 6-aad ee taariikhdooda kadib markii ay garaaceen kooxda Newcastle United kulan ka dhacay Wembely.
Labada kooxood ayaa is dhaafsanayay fursadaha ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax uga badalaan.
Man United ayaa daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Kooxda Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ku doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan xilli ay Newcastle raadinayso bar-baraha.
Daqiiqadii 39-aad ayay Man United heshay goolka 2-aad waxana Si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Newcastle ee Sven Botman kaas oo ciyaarta hogaanka u dheereeyay Man United.
Wixiintaas ka dambeeyay Man United ayaa daafac gashay iyaga oo doonayay in ay Newcastle ku dilaan weerarada rogaal celiska ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United 6 daqiiqo gudohood ciyaarta dhinaca kale ugu rogtay hogaanakana u qabatay.
Newcastle ayaa wax wala u samaysya sidii ay u dhalin lahayd goolalal qaybta dambe laakiin Nasiibka ayaa u diiday kadib fursado badan oo ay heleen.
United ayaa dhawr mar ku dhaatay in ay ciyaarta u dirto hurdo halka ay Newcastle dhinaceeda heshay fursado aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United ku guulaystay koobkeedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan sidoo kale markii 6-aad ku guulaystay koobka Carabao cup-ka.