Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Man United ayaa ceeb kala soo laabatay Denmark kadib markii ay guuldaro kala soo laabteen Copenhagen Kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa champions League.
Red Devils ayaa samaysay fursado aan kala joogsi lahayn bilowgii ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.
Daqiiqadii 3-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Daqiiqadii 28-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana goolkaas u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Xilli ay Man United thaya kooxda fiican ayay daqiiqadii 42-aad is badaleen kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta kaga baxay sidaas.
Copenhagen oo ka faa’iidaysanaysa 10-ka xiddig ee Man United ayaa bilowday weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 45-aad ayay Copenhagen dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Elyounoussi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Kooxda Copenhagen Ayaan halkaas ku joogan waxana ay daqiiqadii 45+9-aad heleen rikoodhe kadib markii uu Maguire kubada gacanta ku taabtay waxana gool u badalay xiddiga Diogo.
Daqiiqadii 69-aad ayaa Man United loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Bruno Fernnades oo kooxdisia hogaanka u dheereeyay kana dhigay 3/2.
Daqiiqadii 83-aad iyo 87-aad ayay kala dhaliyeen 2 gool oo deg-deg ah waxana ay sidaas uga badiyeen Man United oo 10 xiddig ah.