Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aamisay in ay iibiso xiddiga reer Scotland ee Scott McTominay marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, haddii uu yimaaddo dalab macquul ah oo laga soo gudbiyo laacibkan.
26 jirkan oo laba gool u dhaliyey Manchester United waqtigigii dheeraadka ahaa ee ciyaartii Brentford, ayaa waxa uu cadaadis badan ku hayaa Erik ten Hag oo uu ku riixayo inuu siiyo boos joogto ah ama uu iska diro.
Khadkan dhexe oo xulka qarankiisa Scotland ka caawiyey in ay usoo gudbaan Euro 2024, isaga oo sannadkan 2023 dalkiisa u dhaliyey lix gool toddoba ciyaarood oo uu u saftay ayaa waxa uu xagaagii dalab £30 milyan oo Gini kasoo gudbisay West Ham, balse ma guuleysanin dalabkaas.
Manchester United oo la saxeexatay Sofyan Amrabat ayaa rumaysan in aanay boos u haynin McTominay oo qandaraaskiisu uu ku egyahay xagaaga dambe, balse ay Red Devils haysato 12 bilood oo kale oo dookh ah oo ay heshiiskiisa ku kordhin karto.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayso, Manchester United kuma degdegayso in bisha January ay iibiso McTominay, hase yeeshee haddii ay helaan dalab macquul ah waxay suuqa dhigi doonaan laacibkan.
McTominay ayaa kooxda koowaad ee Manchester United u saftay sannadkii 2017, waxaana fursaddii koowaad siiyey Jose Mourinho oo uga yeedhay da’yarta kooxda oo uu kulliyaddeeda kasoo dallacsiiyey, illaa haddana waxa uu u saftay in ka badan 200 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.