Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska ciyaartoyda ka tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhacay qandaraaskooda.
Christian Eriksen, Jonny Evans iyo Victor Lindelof ayaa dhammaantood ka mid ah ciyaartoyda kooxda ka dhaqaaqaya xagaagan. Sidoo kale, goolhaye Tom Heaton ayaa qandaraaskiisu dhacayaa, balse Manchester United ayaa wadahadallo kula jirta si ay u kordhiso heshiiskiisa.
Dhinaca kale, ciyaartoyda ka tirsan akadeemiyada oo kala ah Hubert Graczyk, Jack Kingdon, Sam Murray, Tom Myles, James Nolan iyo Tom Wooster ayaa la sii daayay, iyagoo aan kooxda qeyb ka noqon doonin xilli ciyaareedka soo socda.
Victor Lindelof
Daafaca reer Sweden Victor Lindelof ayaa kooxda ku soo biiray sanadkii 2017 isagoo kaga yimid Benfica. Intii uu joogay Old Trafford, Lindelof waxa uu u saftay 284 kulan, wuxuuna la qaaday kooxda koobabka League Cup 2023 iyo FA Cup 2024. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa kooxihii gaarey final-ka Europa League 2021 iyo kii bishii May ee lasoo dhaafay.
Christian Eriksen
Christian Eriksen, oo kamid ahaa khad-dhexeyaasha kooxda, waxa uu kulankiisii ugu dambeeyay u saftay Manchester United guushii ay ka gaareen Aston Villa maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka Premier League. Eriksen waxa uu dhaliyay goolkiisii 108-aad xirfadiisa kulankaas, isaga oo qeyb muhiim ah ka ahaa safka kooxda tan iyo markii uu yimid.
Jonny Evans
Jonny Evans, daafaca reer Waqooyiga Ireland, ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga fariisanayo kubadda cagta. Evans, oo dib ugu soo laabtay United sanadkii 2023, waxa uu sidoo kale kasoo qalin jabiyay akadeemiyada kooxda. Intii uu joogay Manchester United, waxa uu la qaaday saddex horyaal oo Premier League ah iyo FA Cup markii uu markale kooxda kusoo laabtay. Evans waxa uu sidoo kale xirfadiisa kusoo maray kooxaha Sunderland, West Bromwich Albion iyo Leicester City.
Tom Heaton
Goolhaye Tom Heaton, oo isna kasoo baxay akadeemiyada Manchester United, ayaa dib ugu soo laabtay kooxda sanadkii 2021 kadib markii uu markii hore ka tagay 2010. Tan iyo markaas, waxa uu kooxda u saftay saddex kulan. Manchester United ayaa haatan wadaxaajood la leh Heaton si loo kordhiyo joogitaankiisa kooxda.
Manchester United waxay u mahadcelisay dhammaan ciyaartoyda ka tagaya kooxda xagaagan, iyadoo u rajeysay mustaqbal wanaagsan oo ay ku gaaraan guulo cusub meelkasta oo ay xirfadooda ka sii wataan.