Marooko oo 1.3 bilyan ka heshay IMF

0
49

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay $1.3bn (£1bn) amaah ah oo lagu caawinayo Morocco si ay u wanaajiso diyaargarowgeeda ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, saddex toddobaad ka dib markii dhulgariir uu dilay ku dhawaad ​​3,000 oo qof oo ka dhacay waddanka.

Qaar ka mid ah dadka reer Morocco ayaa ku dhaleeceeyay dowladda sida ay u maareysay dhulgariirkii 8-dii Sebtember ee kabilaabmay buuraha High Atlas, iyaga oo ku tilmaamay jawaabta ay dowladda bixisay mid gaabis aheyd.

Maalintii Khamiista IMF waxay sheegtay in qaabeynta amaahda ee 18-ka bilood ah ay ka caawin doonto Morocco u gudubka dhaqaalaha cagaaran – iyada oo la tacaaleysa ” dayac-tirka cimilada”, “adkeysiga isbeddelka cimilada”, iyo wax ka qabashada kaarboonka hawada lagu sii daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here