Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xildhibaano, wasiiro, maamulka degmada Guriceel iyo kan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayay masjidka weyn ee Jamaaca ee degmada Guriceel.
Masjidkan oo si casri ah loo dhisay, kana kooban laba dabaq, ayaa dhismihiisu socday muddo ku dhowaad afar sano.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.