Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa xarigga ka jaray saldhigga Booliska Marka iyo Suuq cusub oo laga hirgaliyay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Mas’uuliyiintan oo isugu jiray taliyaha guud qeybta booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo maamulka Gobalka shabeelaha hoose waxaana ay si wadajir ah xarigga uga jareen xarunta taliska booliska degmada Marka iyo suuqa labaad ee ugu weyn degmada oo loogu talagalay in dadka danyarta ah ay ku ganacsadaan.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali