Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka socday hay’adda UNICEF, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, iyo milkiilayaasha shirkadaha bixiya adeegyada biyaha iyo nadaafadda ee magaalada. Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdille, iyo mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.
Intii uu kulanka socday, waxaa warbixin muhiim ah laga dhageystay Duqa Degmada, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo faahfaahin ka bixiyay caqabadaha ka jira biyo-mareenada magaalada. Wuxuu xusay in maamulka degmada ay dedaal badan ku bixiyeen furista biyo-mareenno badan oo xirnaa, kuwaas oo sababi jiray dhibaatooyin xilliyada roobka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhanka nadaafadda magaalada ay u xil saareen shirkad gaar ah oo ay si joogto ah ula xisaabtamaan.
Warkaan waxaa soo jeedineysa: liibaan maxamad cabdi