Masuuiyiin ka tirsan maamullada Guriceel iyo Balanbal oo Dhuusamareeb uga qeyb galay dhismaha Guddiga Nabadaynta.

0
58

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Guriceel iyo Balanbal ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay dhismaha Guddiga Nabadaynta iyo Dib u heshiisiinta ee beelaha wada dega degmada Balanbal, iyo deegaanada hoos taga waxaana la sheegay in ay tahy tallaabo muhiim ah oo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada iyo isfahamka bulshada degan Balanbal.

Dhismahan guddiga wuxuu diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta bulshada iyo sidii loo xallin lahaa khilaafaadka soojiitamayay mudad kudhow afartanka sano

Ujeedada guddiga ayaa ah in la hirgeliyo nabadgelyo iyo isfahan ballaaran oo dhexmara beelaha wada dega degmada Balanbal, taasoo looga gol leeyahay in la dhiso bulshada iyada oo loo marayo dib u heshiisiin iyo wada shaqeyn dhameystiran.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here