Masuulin ka tirsan Jubbaland oo Ceelbiyood ka xarig jaray deegaano hoostaga degmada Dhoobley.

0
26

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuulin ka tirsan maamulka jubbaland oo uu hogaaminayo Xildhibaan Hon Hassan Abdi Xasan Yare ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Diif ee hoos taga Degmada Dhoobley, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada deegaanka.

Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Dhoobley, ayaa xarigga ka jaray xarun caafimaad iyo ceel-biyood uu isagu garwadeen ka ahaa hirgelintooda

Warkan waxaa soo jeedinaya:Hamdi Dirie

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here