Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo iskaga dhagan qeybta hoose ee jirka, gaar ahaan agagaarka kaadi-heysta. Gabdhahan oo saddex bilood ka hor ku dhashay mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa si loogu sameeyo qalliin caafimaad oo lagu kala saari doono.
Warkaan waxaa soo jeedineya: Abdifitah Mohamed