Masuuliyiin Galmudug oo ka qayb galay daah-furka kuliyado cusub oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda Plasma.

0
26

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dawlad-goboleedka Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay kuliyado cusub oo lagu soo kordhiyay faracyada Jaamacadda Plasma ee Galmudug.

Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magalada Dhusamareeb ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay maamulka jaamacadda, aqoonyahanno, arday, waalidiin, iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid qeybaha bulshada. Kuliyadaha cusub ee la furay ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin kuwa si weyn loogu baahnaa, isla markaana wax ka qaban doona baahiyaha waxbarasho ee gobolka.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here